Latest News

10 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Miino Oo La Kacday Gaadhi Marayay Degaanka Lafoole

Muqdisho, May 31, 2020 (Haatuf) – Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday 13 kalena way ku dhaawcmeen qarax miino oo haleeyay gaadhi marayay wadada Lafoole ee gobolka Shabeeladda hoose.

Gaadhiga ayaa kusii jeeday degaanka daafeed ee isla gobolkaas.

Lama oga cida falkaan ka dambeysay, hase yeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo fal caynkaan oo kale ah uu ka dhaco gobolka Shabeeladda hoose.

Sanadkii 2017, 10 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo haleelay Gaari Homey ah oo ka soo ambabaxay deegaanka Buulo Mareer kunasii jeeday magaalad Marka.

Bishii June, 2016, 18 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday kadib markii qarax miino uu haleelay baabuur ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay jidka isku xidha Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxyada caynkan ayaa la aaminsan yahay inay yihiin qaraxyo wadada lagu aaso oo mararka qaarkood lagu bartilmaameesado ciiddanka dowladda Soomaaliya ee isticmaala wadada Muqdisho iyo Afgooye oo ah wado halis ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*