Latest News

130-ka Maxbuus Halki Laga Bari Lahaa Xirfado Ay Hadhaw Ku Shaqeystaan Waxa Loo Laqimay Fikirka Xagjirka Ah Ee Wahaabiyadda

FAALLO Cabdillaahi Xasan

Hargeysa,December 27,2020(Hatufonline)- Warkii lagu sheegay in 130 maxbuus jeelka wax lagu baray wuxu maqalkiisu marka hore ahaa mid lagu farxo laakiinse dareenkaasi wuxu isbadelayaa marka dambe eed ogaato duruusti maxaabiista la baray nooca ay aheyd.

Badanaa maxaabiistu waxay u badanyihiin dad da’yar ah iyo dad aan tacliin lahayn waana habdhaqan dunidu isla taqaano in mudada ay maxaabistu jeelka ku jiraan dhaqancelin loo sameeyo oo gaar ahaan wax la baro kuwa aan lahayn aqoon ay ku xoogsadaan iyadoo inta badan la siiyo tababarro xagga farsamada gacanta ah oo markay xabsiga dhameystaan ay dibadda kaga shaqaysan karaan si ay uga fogaadaan ugana waantoobaan faldambiyeed dambe oo ay ku kacaan.

Hadaba maxaabiisteeni halki laga bari lahaa xirfado(skills) ay hadhaw quutal daruurigooda kula soo baxaan waxa loogu badalay in la baro fikirka Wahaabiyadda ee xagjirka ah taaso waliba shahaadado lagu siiyey sawiro iyo video-na laga duubay.Waxay seh isweydiintu tahay xageebaa loogu shaqo tagi kara wahaabiyadda maxaabiista la qulaamiyey yaa seh ka dambeeyey barnaamijkan ee sawirada iyo video-ga loo dirayey?.Maxaabiista in la wacdiyo oo ay ka toobad keenaan dambiyadii ay galeen waa arin loo baahanyahay,inay wax bartaan mudada ay jeelka ku jiraanna waa daruuri laakiin seh in bulshada iyo maxaabiistaba la cameeyo si looga fushado ujeedooyin gaar ah oo qarsoodi ahi waa arin khatarteeda leh.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*