Latest News

$400 Milyan Sacaddi Ama 1 Bilyan Maalintii Khasaaraha Ganacsiga Caalamka Kasoo Gaadhaya Markabka Ku Caaryey Marinka Suez

Suez,March 26,2021(Haatufonline)-Khasaaraha ganacsiga caalamka kasoo gaadhaya markabka konteenarada sida ee ku caaryey marinka Suez Canal ee isku xidha Badda Cas Iyo Badda Mediterranean-ka yaa waxa lagu qiyaasaya lacag u dhiganta hal bilyan oo doolar(toban kun oo milyan) maalintii ama $400 milyan saacadda qudha.
Boqolaal markab oo badeecado u kala siday jihooyinka waqooyi iyo koonfurba ayaa afarti maalmood ee u dambeeyey ku xayiran marinka Suez.

Dalka Masar ayaa waxa sanadkii kasoo gala cashuurta maraakiibta isticmaasha marinka Suez(Suwees) dakhli lagu qiyaaso $5.6 bilyan sanadkii.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*