Latest News

5 Xubnood Oo Uu Ka Mid Yahay Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab Ee Gobolka Jubbada Hoose Oo La Dilay

Jamaame, August 2, 2020 (Haatuf) – Ciidanka guutada 16aad ee Danab oo maanta hawlgal ka sameeyay gobolka Jubbada Hoose, ayaa la sheegay in ay ku khaarajiyeen madixii Al-shabab u qaabilsan maaliyadda gobolka Jubadda Hoose.

Hawlgalkan ayaa waxa uu si gaar ah uga sameeyeen deegaanka Koban oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbadda Hoose.

Taliyaha Guutada 16aad ee Ciidamada Danab G/le Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin oo ka warbixiyay hawlgalkaasi ayaa sheegay in ay ku burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysan jireen Al-Shabaab, ayna dileen madaxii Maaliyadda u qaabilsanaa Al-Shabaab Jubadda dhexe oo lagu magacaabo Cali Garweyne iyo Afar dagaalame.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in ay miinooyinka dhulka lagu aaso ay ka soo saareen wadada xiriirisa degmada Jamaame iyo Kismaayo.

Waxa uu sidoo kale Taliyuhu sheegay in ilaa iyo hadda uu hawlgalku uu socdo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*