Latest News

Abiy Axmed Oo Tigray Ku Eedeeyey Inay 1991 Burburiyeen Ciidankii Qaranka Ee Dergiga Sheegayna Inay Curyaamiyeen Awoodii Ciidan Ee TPLF Iyo Hadana Dagaalo Culus Oo Socda

Adisababa,November 7,2020(Haatufonline)-Raisawasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa xisbiga TPLF ee xukuma gobolka Tigray ku eedeeyey inay 1991 Itoobiya ka burburiyeen ciidankii qaranka ee dalkau lahaa oo ay waqtigan xaadirka ahana doonayaan inay dumiyaan ciidanka dalka u dhisan.

TPLF ayaa halgan hubaysan oo qadhaadh la gashay ciidamadii dawladda Mengistu Hayle Maryam ee la odhan jiray Dergiga,halgankaas oo ay aakhirki ku gùulaysatay kadib markii ay 1991 gacanta ku dhigeen caasimadda Itoobiya ee Adisababa.

Abiy Axmed waxa u sheegay in ciidamadiisu hawlgaladii ay sameeyeen ay ku curyaamiyeen ciidankii gobolka Tigray ujeedaduna aheyd in la daciifiyo awoodda ciidanka TPLF si aanu waxyeelo u gaadhsiin karin shacbiga ku nool magaalooyinka waxaanu intaas ku daray in la duqeeyey xarumihii gantaalada ridada dheer iyo raadaarada.Hadana waxa isa soo taraya warar sheegaya in dagaalo culusi ay dhexmarayaan ciiidamadda dawladda iyo kuwa gobolka Amxaarada oo dhinac ah iyo ciidanka TPLF oo dhinaca kale ah.

Dhinaca kale raiisalwasaare Abiy Axmed ayaa ilaa hadda ka dhago adaygaya baaqyada iyo fariimaha ay usoo dirayaan madaxda dawladaha caalamku in labada join la sameeyo oo khilaafka wada hadal lagu dhameeyo waxaana la sheegay in cidda kaliya ee la talisa ee uu hadda wax ka maqlaa tahay wadaado baadiriyaal ah oo taabacsan diinta Masiixiga oo la yidhaahdo Evangelicals kuwaasoo sida la sheegay kula taliya inuu dagaalka sii wado oo Nabi Ciise isaga la jiro.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*