Latest News

Agaasimihii Maamulka Iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumaysiga Somalia Oo 10 Sano Lagu Xukumay

Muqdisho, August 27, 2020 (HaatufOnline) – Maxkamada
darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa maanta toban sano oo xabsi ah iyo
ganaax dhan $2,366, ku riday Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda wasaaradda
kalluumaysiga iyo kheyraadka badda ee dowladda Soomaaliya, Guuleed Maxamed
Ibraahim.

Maxkamadu waxay masuulkaan ku heshay inuu lunsaday lacag
dhan $137,907 waxayna amar ku bixisay inuu lacagtaas kusoo celiyo qasnada
dowladda sidoo kalena waxay ka mamnuucday inuu xafiis dambe oo dowladdeed
maamulo.

Maxkamada gobolka Banaadir waxay sidoo kale 9 sano oo
xabsi ah ku riday Cali Sheikkdoon Cabdi oo ahaa madaxa hubinta xafiiska
xisaabiyaha guud ee dowladda federalka ahna mulkilaha shirkad ganacsi oo lagu
magacaabo Maamuus.

Sarkalkaan ayaa lagu helay xatooyo hantida dadweynaha iyo
ku daneysiga xafiis dowladdeed ee uu ka howlgalayay, waxayna maxkamadu sidoo
kale ku xukuntay inuu qasnada dowladda ku celiyo lacagta uu lunsaday oo dhan
$58,505 uuna bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya 59 malyan oo shilinka Soomaaliga
ah, waxay maxkamadu ka reebtay inuu shaqo dambe oo dowladdeed qabto.

Uways Xasan Cumar iyo wiilkiisa Khadar Uways Xasan oo
lagu helay ku daneysi xafiis dowladdeed iyo xatooyo, ayaa lagu riday xukuno
kala duwan. Maxkamadu waxay Uways ku riday hal sano iyo 6 bilood oo xabsi ah
iyo ganaax dhan $1,183.

Halka wiilkiisa oo maamule ka ah shirkad ganacsi oo lagu
magacaabo Xabiib ay ku riday saddex 3 sano oo xabsi ah iyo $1,183 ganaax ah.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale maxkamada
gobolka Banaadir ay xukuno ku riday masuuliyiin katirsan wasaaradda caafimaadka
Soomaaliya kadib markii lagu helay musuq maasuq.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial