Latest News

Al-Shabaab Oo Shaaciyay Madax Furasho Ay Ka Qaateen Sii Daynta Haweenay U Dhalatay Italy

Muqdisho, May 13, 2020 (Haatuf) – Afhayeenka al-Shabaab Cali Dheere oo waraysi khadka taleefanka ah ku siiyey wargeyska Talyaaniga laga leeyahay oo la yidhaa, La Repubblica ayaa sheegay in kooxdu madax furasho ka qaadatay sii daynta haweenay samafal ahayd oo u dhalatay dalka Talyaaniga.

Cali Dheere ayaa sheegay madax furashadaas inay u adeegsan doonaan si ay ugu maalgaliyaan wuxuu ugu yeeray Jihaadka Soomaaliya iyo gobolka Bariga Afrika.

“Qayb ka mid ah lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu iibsado hubka loo baahan yahay in lagu fuliyo howlgallada Jihaadka,” ayuu yidhi Afhayeenka al-Shabaab Cali Dheere.

“kala badh ayaa lagu isticmaali doonaa arrimaha horumarinta ee ka socda iskuulada, cuntada iyo daawooyinka la siinayo dadka baahan, iyo barnaamijyo tababaro ah oo la siinayo Boliskayaga oo ilaaliyaya hirgalinta shareecada, ”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Af hayeenka ayaa xaqiijiyay in kabadan 10 qof ay kaqeyb galeen afduubkii loo geystey Silvia Romano, laakiin wuxuu dafiray howlgalka in ay qorsheeyeen hogaamiyaasha Al-Shabaab.

Mar wax laga weydiiyay sababta aysan si fool xun ugula dhaqmin Silvia u ahayd badeecad qaali ah oo ay ka gorgortamaan.

“Silvia waxay ahayd badeecad qaali noo ah inaan gorgortan ku galno., AlShabaabna way ixtiraamaan dumarka,” ayuu yidhi afhayeenka Al-Shabaab.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*