Latest News

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Milatari Oo Ku Yaala Gobolka Mudug

Mogadisho, November 30, 2020 (Haatufonline) – Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Milatari oo ku yaala gobolka Mudug, waxaanay wararku sheegayaan in halkaasi laga maqlay rasaas xoogle.

Weerarkan ururka Al-shabaab uu ku qaaday Saldhiga Milatari oo dhacay maanta oo Isniin ah, ayaa ilo wareedyo xogogaal ahi waxa ay warbaahinta Somalia u sheegeen in markii u horaysay gaadhi walxaha qaraxa laga soo buuxiyey lagu qarxiyey albaabka xerada milatari kadibna dablay hubaysani ay gudaha u galeen.

Saldhigan Milari oo ku yaalay Bacaadweyne oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, Taliyaha Saldhigaasi ayaa isna sheegay in gurmad ay dalbadeen uu soo gaadhay markii ay maleeshiyada Al-shabaab ay ka tageen goobta Saldhiga ah, halkaana ay ku dileen tiro Askar ah, balse ilaa iyo hada ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay masuuliyiinta gobolka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*