Latest News

Al-Shabaab Oo Weerar Qarax Iyo Rasaas Isugu Jira Ku Qabsatay Afrik Hotel

Muqdisho, January 31, 2021 (Haatufonline) – Hotelka Afrik oo ku yaal caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu qaaday weerar qarax iyo rasaas isugu jira oo ay ku qaaday kooxda Al-shabaab, sida ay sheegeen ciiidamada booliska Somalia.

Gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa galabnimadii maanta ku dhacay albaabka laga galo Hoteelka Afrik, oo ku dhow isgoyska istiraatiijiga ah ee K-4 ee magaalada Muqdisho, afhayeenka bilayska Sadiiq Aadan Cali sida uu sheegay, kaas oo qaraxa ka dib in  dabley hubeysan ay si deg deg ah ku soo galay hoteelka, iyaga oo rasaas ku furay shaqaalihii iyo dadkii gudaha joogay.

Ciidamada dowladda ayaa ka jawaabay weerarka, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas ka socota hoteelka. Booliska ayaa dad badan ka badbaadiyay hudheelka, oo ay ku jiraan milkiilaha iyo jeneraal ciidan. Ugu yaraan toddobo qof oo rayid ah oo dhaawac ah ayaa la arki karay, in kasta oo booliisku aanu isla markiiba bixin tirada dhimashada. Al-Shabaab, oo ah koox jihaad doon ah ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*