Latest News

Al-Shabaab Oo Xalay Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda Ku Leeyihiin Garbahaarey

Garbahaaray, August 9, 2020 (Haatuf) – Al-shabaab ayaa
waxay xalay weerar ku qaadeen saldhig ay deganaayeen ciidamada dowladda
Soomaaliya oo ku yaalla magaalada Garbaharey ee Gobolka Gedo, waxayna iska
cabin kala kulmeen askartii  daganeyd barta ciidan oo ay weerareen.

Idaacadda maxalliga ah ee Kulmiye ayaa baahisay in goobta
la weeraray xarunta degmada Garbaharey ay ku leedahay hay’adda dhinaca
raashiinka u qaabilsan Qaramada midoobe ee WFP.
Weerarka ayaa waxaa la sheegay in markii hore uu ahaa madaafiic lagu tuuray
goobta, hase-ahaatee uu markii dembe noqday dagaal foolka fool ah. Sida ilo
deegaanka ah ay u sheegeen idaacaddaas.
Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay.
Laakiin waxaa kor usii kacaya weerarrada Al-shabaab ay ku qaadayaan deegaannada
Jubaland, habeen hore ayeey weerareen degmada Luuq oo Gedo ka tirsan iyo Baar
sanguuni oo ah Jubbada hoose.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial