Latest News

Alexandria: Soomaali-Maraykan Aad Loo Doondoonayey Oo Dacwado Gacan Siinta Al-shabaab Ah Lagu Soo Oogay

Alexandria, May 27, 2020 (Haatuf) – Liibaan Xaaji Maxamed oo ah Somali-Maraykan degan gobolka Virginia ayaa lagu soo eedeeyey inuu taageero u fidiyey kooxda ka dagaalanta Somalia ee Al-Shabab.

Liibaan ayaa dalka ka soo cararay sanadkii 2012 laguna tuhmay inuu isku dayay inuu qoro rag ku biira kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab ayaa lagu sheegay eedo lagaga soo oogay maxkamad federaalka, waxaana la tilmaamay in uu taageero maadi ah u fidiyay kooxda argagixisada ee fadhigeedu yahay Soomaaliya, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu.

Liibaan Xaaji Maxamed oo degan Alexandria, Virginia, ayaa ah Somali-Maraykan haysta dhalashada Maraykanka, waxaana la qabtay isagoo wata gaadhi gudaha Virginia.

Liibaan ayaa markii ugu horaysay ay ka shakiyeen FBI-du sanadkii 2010 qabashadii Zachary Adam Chesser oo wakhtigaas ahaa 20 jir si weyn u xiisaynaya aragtida Islaamiyiinta xagjirka ah isaga iyo Liibaan oo ugu dambayntiina lagu xukumay dambiyo la xidhiidha argagixiso oo xidhiidh la leh al. -Shabaab. Waxaanay FBI-du ay sheegtay Chesser iyo Mr Liibaan inay ahaayeen saaxiibo aad iskugu dhow.
Mr Liibaan ayaa ka tagay Maraykanka bishii July 2012, waxaanay sidaasi FBI-du ugu dartay liiska Argagixisada la Doonayo.
Sanadkii 2015, waxaa la soo sheegay in Mr Liibaan uu kujiro gudaha Soomaaliya, laakiin Maraykanku uusan lahayn heshiis is dhaafsi ah gudaha Soomaaliya.
Mas’uuliyiintuna si dhaqso ah ugamay hadlin in Mr Liibaan laga siidaayay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ee Maraykanka ee magaalada Alexandria ayaa sheegay in dacwad ooguhu Salaasadii uu ku eedeeyey Mr Liibaan inuu isku dayay inuu shaqaaleeyo Dhalinyaro u safarta Soomaaliya si uu tababaro dagaal ugu siiyo dagaalyahanada al-Shabaab.
Mr Liibaan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu u adeegsado xirfadiisa warbaahinta si uu u hormariyo mashiinka dacaayada ee al-Shabaab, kaas oo ay ugu adeegsan jireen askareynta reer galbeedka, sida uu xeer Ilaaliyuhu Sheegay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*