Latest News

Alle Ha U Naxariistee Cumar Carte Qaalib Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Hargeysa, November 19, 2020 (Haatufonline) – Alle ha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa Cumar Carte Qaalib oo ahaa siyaasi caan ah horena Raysal Wasaare uga soo noqday Jamhuuriyadii Soommaaliya ee burburtay 1990’s-kii.

Alle ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Hargeysa oo uu mudooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa ka dib markii uu ka soo laabtay dibada oo uu mudo joogay.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Hargeysa u yimid xanuunkiisa wiilkiisa Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, hasse ahaatee cafis ka helay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*