Latest News

Alle Ha U Naxariistee Mujaahid Xasan Guure Jaamac Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Hargeysa, May 16, 2020 (Haatuf) – Alle Ha U Naxariistee Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Siyaasi Caan ah Xasan Guure Jaamac, oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM, mudooyinkii dambena ka mid ahaa siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka.

Alle ha u naxariistee Xasan Guure ayaa ku geeriyooday Xalay magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, waxaana Marxuumku uu u geeriyooday Xanuunka COVID19.

Waxaanu marxuumku uu intii uu noolaa uu hormood u ahaa, si weyna uu uga soo qaybqaatay Nabada, Madaxbanaanida, iyo Dimuqraadiyada Somaliland.

Guud ahaan Bahda Warbaahinta Haatuf waxay tacsi u dirayaan ehelkii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Mujaahid Xasan Guure Jaamac, Inuu Samir iyo Imaan ka Siiyo, Marxuumkana Alle U Naxariisto.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*