Latest News

Alshabaab Dusha Ka Jihaad Hoosta Ka Ganacsi

FAALO Qore/Cumar Cabdilaahi Warsame April 23,2021

Ururka Alshabaab wuxu weeraro ku qaadaa saldhigyo ciidan,wuxu qaraxyo miidaamo ah ka fuliyaa magaalooyinka waaweyn,wuxu toogasho ama bam gaadhi lagu rakibay ku khaarajiya dad ashkhaas ah.Laakiin marka istraatiijiyad ahaan la qiimeeyo hawlgalada noocaas ah oo dhan waxa kuusoo baxaya in aanay jirin wax faaiido ah oo uga soo hoyanaysa Alshabaab dhinac milateri iyo dhinac siyaasadeedba.Haddii ay xero ciidan weeraraan oo xata qabsadaan ma sii haysan karaan oo iyagaaba iskaga baxa inta badan hadii aan xoogba lagaga saarin.Magaalo dhexdeed oo ay falal is-qarxin ah ka fuliyaan oy ku galaaftaan nafo aan waxba galabsan ama askari meel maraya oy baastooladu ku khaarajiyaan waxay sii kordhinaysaa uun nacaybka ay dadweynuhu u qabaan taasna waa guuldaro siyaasaded.Kolkaa suaashu waxay tahay ma faaiido kale oon la ogaynbaa ugu jirta hawlgaladaa ay dhiiga ku daadinayaan.

Hadii Alshabaab isku sheegi jirtay urur jihaad ugu jira inuu muslimiyo dadka Soomaalida ah oo ridoobay oo si ujeedadaasi u rumowdana ay waajib ku tahay in uu Somalia ka dhigo Imaarad Islaami ah,waxa hadaba sanadahan danbe soo ifbaxayey wajiga dhabta ah ee Alshabaab kaasoo ah dusha ka jihaad hoosta ka ganacsi.

Runahaanti Alshabaab waxay ku nooshahay oy ka ganacsataa argagixisonimada.Madaxda Alshabaab waxay baad joogto ah ka qaadaan dhamaan shirkadaha waaweyn ee dalka Somalia,ganacsatada heerka dhexe,bacadlayaasha,bakhaarlayda,badeecadaha u kala gudba gobolada,shaqaalaha shirkadaha iyo hayadaha,dekadaha,dhoofinta dhuxusha iyo makhadiraatka.Ilaha dhaqaale ee dakhligu kasoo galaa kuma koobna intaas oo xitaa waxa jira shirkado iyo meherado waaweyn oo ay iyagu leeyihiin oo dad kale ku magacaabanyihiin.

Hadaba si aan ilahaas dhaqaale u gudhin waxay noqonaysa in Al shabaab marka muddo yar la joogaba ay ku kacdo falal argagixiso ah si ay dadka cabsidii ay ku beereen ugu sii hayaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*