Latest News

Ambassador Safiina Oo Xisbiga Waddani U Qaabilsanaa Xidhiidhka Dawladaha Carabta Oo Is-Casilay

Hargeysa, (Haatuf) – Xoghayaha xidhiidhka dawladaha Carabta iyo wadamada Islaamka u qaabilsan xisbiga Waddani, Ambassador Axmed Safiina ayaa iska casilay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Qoraalka is-casilaada Ambassador Axmed Safiina uu ku socodsiiyey Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu u madaxanaanaado arimo gaar ah oo ay ka mid yihiin dhamaystirka waxbarashada Jaamacadda ee shahaadada PHD-da, oo uu tilmaamay Ambassador-ku inay uga baahan tahay wakhti iyo dedaal dheeri ah, sidaa darteedna uu ka codsaday inuu ka aqbalo iscasilaadiisa Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Waxaanu Qoraalka Iscasilaada Ambassador Axmed Safiina, uu ku socodsiiyey Gudoomiyaha xisbiga Waddani u dhignaa sidan:-

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*