Latest News

Amiirkii Kuwait Oo Geeriyooday Iyo Xidhiidhka Uu La Lahaa Somaliland

Kuwait, September 29, 2020 (Haatufonline) – Amiirkii
muddada dheer xukumayey dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa
maanta geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas sheegay taleefishinka
dowladda.

“iyada oo murugo weyn ay tahay, waxaan la tiraanyooneynaa
dhimashada Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, amiirkii dalka Kuwait,”
waxaa sidaas sheegay Sheikh Ali Jarrah Al-Sabah, oo ah wasiirka arrimaha
boqortooyada, oo la hadlay taleefishinka dowladda.

Sheikh Sabah ayaa waxa laguu xusuusan doonaa
diblomaasiyaddiisa siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku dayey inuu ku xaliyo
khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dowladdaha kale Khaliijka oo ay ka mid yihiin
Sacuudiga iyo Imaaraadka oo mar qudha xidhiidhka u jaray Dalka Qatar.

Sheikh Sabah ayaa waxaa lagu wadaa inuu beddelo
walaalkiis, ahna dhaxal-sugaha Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah.

Sheikh Sabah ayaa ahaa 91 sano jir. Waxaa la keenay dalka
Maraykanka gaar ahaan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota bishii July
kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen inuu xanunsanayo.

Ka hor ita uusan noqonin Amiirka waxa uu ahaa Wasiirka
Arrimaha Dibedda ee dalkaasi muddo ka badan 40 sano.

Xidhiidhka Somaliland iyo Kuwait

Amiirka geeriyooday, ayaa xidhiidh saaxiibtinimo la lahaa
Dawladda iyo Shacabka Somaliland, waxaana qoyskiisu maal-geliyey mashaariic
gargaar oo ay Hay’adda mucaawimooyinka dalkaasi ka fulisay Somaliland.

Waxa kamida Dugsiga Agoomaha ee Magaalada Hargeysa oo ah
mid kamida meelaha ay ku suntantahay taageerada Kuwait.

Amiir Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa lagu tilmaamaa mid
kamida hogaamiyeyaasha Khaliijka ee sida weyn u ixtiraami jira Somaliland,
waxaanu qasriga looga arrimiyo dalkaasi ku qaabiley laba madaxweyne oo soo
maray Somaliland, kuwaasoo kala ahaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Maxamed
Maxamuud Siilaanyo.

Geesta kale, Dawladda Kuwait waxa ay Somaliland ku
caawisay mashaariic lacag badan ku baxday oo dib-u-dhis loogu sameeyey garoonka
Diyaaradaha ee caasimada Hargeysa.

Waxa kale oo xusid mudan in Qoyska Boqortooyada Kuwait uu
leeyahay Mashruuc Maal-gashi ah oo duleedka Magaalad Sheikh uu muddo dheer ku
lahaa, kaasoo ah Hudheel iyo goobo kale oo dalxiis.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial