Latest News

AMISOM Oo Joojisay Dhaqdhaqaaqa Xerada Xalane

Muqdisho, March 29, 2020 (Haatuf) – Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa xaddiday dhammaan galitaanka iyo ka bixitaanka xerada milateriga ee Xalane ee magaalada Muqdisho.
Taliska Xalane ayaa ah midka ugu weyn ee uu ka socdo howlgalka AMISOM.
Bayaan uu soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo faafahin cudurka coronavirus ee safmarka ah, lana dhowrayo caafimaadka iyo badqabka dadka deggan xeradaas iyo kuwa soo booqanayaba, AMISOM waxa ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee 29-ka bishan Maarso.

Tallaabadan ayaa dib loo eegi doonaa haddii ay baahi kale soo baxdo.
Xayiraaddan waxa ay khasbaysaa in la joojiyo dhammaan howlihii dhismaha, dhaqdhaqaaqa gawaadhida saadka iyo howlaha kale ee ganacsi ee xerada, sida dukaamada iyo aagga gawaarida lagu dhaqdo.

Bayaanka ayaa dhanka kale lagu sheegay in kooxaha bixiya adeegyada asaasiga ah iyadoo la eegaya kiis kiis iyo xaaladahooda gaarka ah loo ogolaan doono inay soo galaan xerada.
Jimcihii ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka waxa ay xaqiijiyeen in kiiskii saddexaad ee coronavirus laga helay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada milateriga ee Xalane.

Qofka xanuunkan laga helay ayaa lagu sheegay inuu yahay ajanabi la shaqeynayay hay’adaha Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xanuunkan ay si adag ula tacaalayso ayna qaadday tallaabooyinkii diyaargarowga iyo qaabkii loo xakamayn lahaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*