Latest News

Augustine Mahiga, Ergaygii Hore Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsanaa Soomaaliya Oo Geeriyooday

Dodoma, May 1, 2020 (Haatuf) – Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha sharciga Tanzanja Augustine Mahiga ayaa ku geeriyooday caasimadda waddankaasi ee Dodoma, aroortii hore ee saaka ayaa waxaa kusoo booday xanuun oo uu geeriyooday sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday dowladda.

Danjire Mahiga ayaa waxa uu ahaa diblomaasi muddo dheer soo shaqeeyay, waxa uuna mar soo maamulay xafiiska Qaramada midoobe ee Soomaaliya xilligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxa aad loogu xusuustaa kaalintii uu kulahaa shirkii heshiiskii Kampala ee uu xilkii ra’isul wasaaranimo uga tegay madaxweynaha hadda xilka hayo ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waayadii dembe wuxuu ahaa wasiir aad uga muuqanayay warbaahinta, isagoo ka hadli jiray arrimaha dalkiisa Tanzania.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*