Latest News

Axmed Madoobe Oo Eedo U Jeediyey Ethiopia, Turkiga Iyo Qatar

Kismaayo, March 7, 2020 (Haatuf)- Madaxweynaha Jubbaland
Axmed Madoobe ayaa maanta ku andacooday in uu diiday dalab lacageed oo dowladda
federalka usoo bandhigtay si uu meesha uga baxo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo barlamaanka Jubbaland ka hor
hadlayay ayaa yidhi,’’ Waxaa maanta aniga sharaf ii ah inaanan reer Jubbaland
dhaafsiisan 20 milyan oo dollar oo afka la iigu shubo, Mana jiro macno aan ka
gorgortami karay.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in loo hanjabay oo
loogu goodiyay haddii uu xilka iskusii dhajiyo in la dilidoono loona
adeegsandoono dowladdo shisheeye. Waxa uu tilmaamay in dowladda federalka dad
usoo adeegsatay in sidaas loogu goodiyo.

‘’Jubbaland, culayska ugu badan aniga ayuu igu dhacayay,
waxay gaartay in la idhaho lacag qaado oo meesha isaga tag. Wiilasha isiinayay
amarkaas waxay ahaayeen wiilal yaryar oo aan dowladnimada waxba ka aqoonin.
Waxaa intaas ii dheer hanjabaado iyo in la yiraahdo waan ku dilaynaa iyadoo la
kaashanayo dowladda shisheeye,’’ ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe wuxuu ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inay
miiska wada hadalka isugu yimaadaan oo ay ku kala baxaan dastuurka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale uu baaq udiray dowladdaha Turkiga Ethiopia iyo Qatar isagoo ka
codsaday inay joojiyaan dhaqaalaha iyo ciidamada ay tababarayaaan ee uu sheegay
in lagu dhibaataynayo Jubbaland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial