Latest News

Baarlamanka Ethiopia Oo Fadhigi Maanta Ku Kala Kacay Kadib Markii La Isku Mari Waayey Mooshin Xukuumaddu Dabada Ka Wadday In Madaxda Gobolka Tigray Argagixiso Ahaan Loo Aqoonsado

Addis-Ababa November 3,2020(Haatufonline)-Fadhigii Maanta ee Baarlamanka Ethiopia ayaa lagu kala kacay kadib markii la isku mariwaayey qodobadii ajandha iyadoo lasoo bandhigay mooshin ay xukuumaddu dabada ka riixaysay oo nuxurkiisu ahaa in madaxda gobolka Tigray sharciyan argagixiso ahaan loo aqoosado.

Xubno ka mid ah Baarlamanka oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ayaa iyagu soo jeediyey in laga hadlo dilal xasuuq ah oo ay sheegeen inay dhawaan dalka ka dhaceen oo loo geystay dad kasoo jeeda qawmiyadda Amxaarada oo ku noolaa gobolka Oromiya.Waxa kale oo golaha laga soo dhex jeediyey in Ajendhaha lagu daro xaaladda nabadgelyo darada ah ee dalka ka taagan. Hadaba markii la isku mari waayey qodobadii Ajendha ee golahu ka doodi lahaa isla markaana buuq iyo sawaxan ka dhacay madashi kulanka ayaa fadhigii natiijo la’aan lagu kala kacay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*