Latest News

Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Hirshabelle Oo Ka Dhacay Baledweyne

Baladweyne, October 11, 2020 (Haatufonline) – Banaanbaxan looga soo horjeedo hab dhismeedka cusub ee maamulka Hirshabelle ayaa ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu jiray dhalinyaro, dad waaweyn iyo waliba qaar ka mid ah ardayda iskuuleyda oo la arkayay iyagoo xeran dareeska waxbarashada.
Banaanbaxayaashan ayaa socod dheer ku marayay wadooyinka waa weyn ee magaalada Baledweyne iyago ku qeylinaayay erayo ay ka mid ahayeen Hirshabelle dooni meyno.
Dibadbaxaan maanta ka dhacay Baledweyne ayaa imaanaya xili hanaanka doorasho ee Hirshabellada cusub walaac xoogan laga muujinaayo.
Ugu dambeyntii Baledweyne mahan mid ku cusub banaanbaxyada noocaan oo kale ah waxaasa xusid mudan afar sanno ka hor sidaan oo kale markii la dhisayay Hirshabelle in reer Baledweyne ay sameynayeen banaanbaxyo is daba joog ah oo ay kaga soo horjeedeen dhismaha Hirshabelle waloow banaanbaxyadaasina aysan keenin wax natiijo ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*