Latest News

Bandowgii Muqdisho Oo La Khafiifiyay Iyo Taliyahii Booliska Boondheere Oo Xilka Laga Qaada

Muqdisho, April 25, 2020 (Haatuf) – Taliyaha Booliska
Soomaaliya Jen.  Cabdi Xasan Xijaar oo
shir jaraa’id goor dhow ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in
xilii laga qaaday taliyaha booliska ee Degmada Boondheere , halkaas oo ay xalay
askari ka tirsan booliska uu ku dilay laba qof oo rayid ah.

Sidoo kale taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ayaa
shirkiisa jaraa’id ku sheegay in saacad dib loo dhigay bandowgii saarnaa
caasimadda Soomaaliya, habeenkii, islamarkaana uu bilaaban doono sideedda
fiidnimo (8:00PM), halka uu horay u ahaa todobada fiidnimo (7:00pm), taas oo uu
ku sheegay in dowladdu ay kaga jawaabeyso cabashada dadka muqdisho.

Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in uusan bandowga
qaban doonin dadka waddooyinka socda, goobaha caafimaadka iyo dadka wax
iibsanaya, sidoo kale dadka hor fadhiya guryahooda ayuusan saameyn doonin
bandowga saran xilliyada habeenkii ah caasimadda Soomaaliya.

Arrintaan waxey muujineysaa in dowladda Soomaaliya ay aad
u qafiifisay bandowgii maalmihii lasoo dhaafay dadku aad uga cabanayeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial