Latest News

Basaska Iskaga Kala Goosha Caasimada Hargeysa Oo Kordhiyey Qamaha Lagu Raaco

Hargeysa, April 18, 2020 (Haatuf) – Basaska ka dhex Shaqeeya Caasimada Hargeysa ayaa qiimaha lagu raaco kordhiyey kadib markii Xukuumaddu amartay in kala badh ay ka dhigaan tiradii hore ay u qaadi jireen cudurka Coronavirus Awgeed.

Mid Ka mid ah dirawalad Basaska Yarayr ee Mini-Buska loo yaqaano ayaa sheegay in ay u kordhiyeen markii rakaabka raacayey laga yareeyey oo kala badh intii ay hore u qaadi jireen laga dhigay in aanay isku bixinayn in qiimihii hore ay dadka ka qaadaan.

Waxaana la arkayey Basaska oo dadka rakaabka ah ka qaadaya 3,000SLSH, Halkii uu markii hore ahaa 2,000SLSH.

Hase yeeshee ma jirto meel shacabka iyo iskaashatada ay ku kuleen oo la iskula ogolaaday in qiimaha Basaska la kordhiyo.

Maanta ayaa waxa si buuxda u dhaqan galay go’aankii guddida ka hortaga COVID19 ee ku wajahnaa daadiidka dadweynaha qaadka ee iskaga kala goosha gudaha magaalooyinka Somaliland, gaar ahaana Caasimada Hargeysa, waxaana la arkayey gaadiidkaasi oo qaadaya intii guddidu soo jeedisay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*