Latest News

Beesha Caalamka Oo Somaliland Ku Hambalyeysay Doorashooyinkii Baarlamaanka Iyo Deegaanka Ee Qabsoomay 31-kii May

Hargeysa, June 8, 2021 (Haatufonline) – Dalalka saaxiibka la ah Somaliland ayaa ku hambalyeeyey sidii qiimaha lahayd ee ay u dhacday doorashada Wakiilada iyo Golaha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii may 2021-ka..
War-saxaafadeed ay wadajir uga soo saareen doorashada Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanka ee Somaliland ayaa lagu sheegay in “Saaxiibada beesha caalamku ay ugu hambalyeynaynaa shacabka Somaliland, xisbiyada siyaasada, komishanka doorashooyinka iyo hay’adaha kale ee dawladaba sida guusha iyo wanaaga leh ee ay u dhacday doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanku, iyo habkii qabanqaabada dhinaca amniga doorashada loo maray.
Beesha caalamku sheegtay in dadka reer Somaliland ay muujiyeen ballanqaad adag oo ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka, ka-qaybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda oo sii socota.
Dalalka sida wadajirka ah usoo saaray war-saxaafadeedkan ayaa ah Boqortooyada Ingiriiska, Midawga Yurub, , Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, The Netherlands, Norway, Sweden and Switzerland ayaa tilmaamay inay si gaar ah u soo dhawaynaynaa doorashada taariikhiga ah ee beelaha laga tirada badan yahay ee Golaha Wakiillada iyo tirada badan ee musharixiinta dhallinyarada ah ee la doortay.
Waxaanu aqoonsannahay guulaha la taaban karo ee ay gaadheen murashaxiinta haweenka ah intii lagu gudojiray howshan doorashada, balse waxaanu muujinaynaa in tani aanay loo tarjuman karin in dumar badan la doortay taasoo keentay hoos u dhaca matalaadda haweenka.
Doorashadani Waxay muhiim u noqon doontaa dhammaan daneeyayaasha inay wax ka bartaan , iyo in dowladda, xisbiyada siyaasadeed iyo kuwa kaleba ay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka si ka wanaagsan sidan doorashooyinka mustaqbalka. Waxaan sugeynaa tallaabooyin deg deg ah oo la taaban karo oo ka imanaya baarlamaanka cusub iyo dowladda si loo hubiyo in matalaad caddaalad ah ay haweenku ku yeeshaan dowladda iyo talada.
Waxa weli naga go’an inaanu sii wadno wadashaqeynta wax ku oolka ah si loo sii xoojiyo dimuqraadiyadda iyo ka mid noqoshada haweenka iyo beelah la hayb sooco ee Somaliland, iyo inaanu taageerno doorashooyinka joogtada ah ee wakhtigooda ku dhaca ee dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda ah.
Waxaanu rajeyneynaa inaanu xoojino wadashaqeynta aanu la leenahay golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka cusub ee la soo doortay, labadaba iyo arrimaha kale ee danaha aanu wadaaggno ah.

Connect with us on Facebook