Latest News

Beesha Caalamka Oo U Tafaxaydatay Sidii Farmaajo Looga Qaban Lahaa Somalia

Washington,March 13,2021(Haatufonline)- Farmaajo iyo mudo kordhintii uu baarlamanku shalay u  sameeyey ayaa cambaarayn balaadhan kala kulmay beesha caalamku gaar ahaan dawladihii Somalia caawin jiray sida Maraykanka iyo dalalka Yurubta galbeed kuwaasoo dhamaantood u tafaxaytanaya sidii ay u qaadi lahaayeen talaabooyin ka dhan ah Farmaajo iyo cidihi mudo-kordhinta u fududeeyeyba.
Talaabooyinka durtaba warkoodu soo baxay ee laga qaadi doono waxa ka mid ah in mucaawimooyinkii dawladda Somalia la siin jiray intooda badan la joojiyo,Farmaajo iyo dadkii kula jiray mashruucii mudo kordhinta laga xayiro safarada iyo in laga fiirsado aqoonsigii diblomaasiga ahaa ee dawladda Federaalka Somalia.
Masuuliinta dawladaha reer galbeedka ee u dambeeyey ee arintan ka hadlay waxa ka mid ah guddoomiyaha gudida arimaha dibadda ee golaha Senate ka Maraykanka(aqalka saree basrlamanka) Mr Bob Menendez iyo waliba laba xildhiibaan oo ka tirsan golaha wakiilada Maraykanka oo la kala yidhaahdo Gregory W. Meeks iyo Michael McCaul.
Dhinaca Midowga Yurub waxa isna galabta mudo kordhinta Farmajo cambaareeyey Joseph Borrel oo ah u qaabilsanahooda arimaha dibadda,waxaanu ku hanjabay inay talaabo ka qaadi doonaan Farmaajo iyo cidda kula socota mudo kordhina hadii ay deg deg uga noqonwaayaan oo dib loogu noqon waayo wadahadalkii.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*