Latest News

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa, (Haatuf) – War-saxaafadeed ka soo baxay Dalalka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhacyada soo noqnoqday doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada Somaliland.

Sidoo kale, waxa War-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in Beesha Caalamku ka xun tahay Muddo-kordhinta labada Sanadood ah ee Golaha Guurtida sameeyay Golaha Wakiillada iyo Muddo-kordhinta uu Golaha Guurtida laftiisu isku sameeyay.

War-saxaafadeedkan oo si wada jir ah u soo wada saareen Dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay “Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqeen sumcadda dimuqraadiyadeed ee Somaliland.” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka, kaasi oo intaa ku daray “Waxaan si aad ah uga walaacsanahay xadhigga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka..”

Waxa kale oo Qoraalkaa lagu sheegay “Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay go’aanka Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyay labada gole..” ayuu lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi.

Ugu dambayn, waxay Beesha caalamku ugu baaqday xukuumadda iyo dhammaan hawl-wadeenada siyaasadeed ee Somaliland inay dib u xaqiijiyaan, iyada oo loo adeegsanayo  heshiiska labada dhinac, is-afgarad iyo isu tanaasul, si loo helo dariiqa loo maro jah-wareerka hadda jira si doorashooyinka baarlamaan iyo doorashooyinka deegaanku u dhacaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*