Latest News

Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Falal Ka Dhacay Wajaale

Hargeysa, (Haatuf) – Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyey saddex dhacdo oo ay hawlgallo ka sameeyeen, kuwaas mid walba laga qaaday talaabo ku haboon.

Saddexdan dhacdo ayaa kala ahaa askari muwaadin ku dilay magaalada Wajaale, askar gacan saaray qof dumar ah iyo gaadhiga lagala baxsaday magaaladda Hargeysa.

Taliyaha ciidanka Dambi-baadhista Faysal Xiis oo falalkan dhacay ka waramaya waxa uu yidhi “Bishan December 14-keedii ayaa nin askari ahi muwadin reer Somaliland ku dilay magaalada Wajaale isagoo miyirkiisa iyo maankiisa qaba, ciidanka boolisku gacanta ayey ku soo dhigeen askarigii dambiigaasi gaystay iyo labadii askari ee la socday, waxaana la taagaya maxkamadda sharciga ah, markii dilku dhacay ka bacdi waxa Wajaale ka dhacday mudaharaad lagaga soo horjeedo dilkaasi, haseyeeshee ciidanku way ka hortageen si aanu magaalo ganacsiyeedka Wajaale ugu fidin oo siyaabo kale looga faa’iidaysan, markii mudaharaadku socday qaar ka tirsan ciidanku waxay farosaareen qof dumur ah oo ka mid ahayd dadkii isku soo baxay, iyadoo baraha bulshada si khaldan loogu faafiyey falkaasi, waxaanu taliyaha boolisku amar ku bixiyey in la soo qabto askartii faro saartay qofka dumar ah waana la xidhay waxaana la horgaynayaa maxkamadda.”.

Mar kale isagoo ka hadlay gaadhi nooca xamuulka qaada oo Hargeysa laga xaday waxa uu yidhi “bishan 23-keedii waxa labadii habeenimo gaadhi xamuul ah oo shirkad ganacsi leedahay la baxsaday girishboygii ka shaqaynayey, markii ciidanka lagu soo wargaliyey waxaa uu taliyuhu amrey in ciidamada gobolada lagu amrey inay gaadhigaasi baadi goobaan, waxaana sagaalkii subaxnimo lagu qabtay dooxa u dhow degmada Oodweyne, gaadhigina hada waxa uu yaala xarunta ciidanka ee magaalada Hargeysa”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*