Latest News

“Cidna Ka Yeeli Mayno Wax Qaranimadayada Wax U Dhimaya, Cidina Naguma Matasho Biyaha Bada-Cas” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa, July 21, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Ciidamo isku dhaf ah oo dawladdo isu-tagay ay ku doonayaan in ciidamo ay ka sameeyan Biyaha Bada Cas, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland ay ka maqan tahay ama aan laga talo galin.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaayey Xaflad loo qabtay duf-cadii 32 ee Ciidamada Booliska oo Maanta ka qalin-jebiyey dugsiga tabobarka ee Mandheera, ayaa sheegay in aanay Somaliland marnaba aqbalayn Ciidamo aan laga talo-gelin, isla markaana amniga Bada iyo beriga Somaliland ay ku filan tahay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dalalka Dariska ah iyo Caalamkaba nabadbaanu u haynaa, wax kasta oo bani’aadamka dhibaya waanu ka soo horjeednaa, wax kasta oo bani’aadamka iyo caalamkaba horumarinaya qayb ayaanu ka nahay.

Midbaan-se u sheegaynaa, Anagu Somaliland ayaanu nahay, cid walba dantayada ayaanu kala shaqaynaynaa, qof kasta oo nala shaqaysanaya diyaarbaanu u nahay, anaga oo laba dawladood oo siman ah oo garabkayaga iska eegayna, ayaanu leenahay dad iyo dal baanu nahaye maxaanu kula qabanaa. Cidna ka yeeli mayno wax qaranimadayada wax u dhimaya, cidina naguma matasho Bada-cas, Dawladaha yidhi, Bada-cas ayaan u Samaynayaa Ciidan difaaca, ee Magacyaasha badan ee 8-da dawladood ah. Waxaan u sheegaynaa in Bada iyo berigayaga anagaa diffaacana, cid aan nalagala tashan, iman mayso kana yeeli-mayno.

Ma nihiin qolo ku baqanaysa cidbaa xoog weyn, iyo Taangibuu wataa midna ma aaminsanin. Hore ayaanu Taangiyo ugu furanay qori. Nin wal oo xoog-weyn, nabad iyo Walaalnimo ayaanu ku haynaa”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*