Latest News

Ciidamada Somalia Oo Sheegay Inay Dad Ka Soo Badbaadiyeen Hotelka Afrik Oo Wali Rasaas Culus Laga Maqlayo

Muqdisho, January 31, 2021 (Haatufonline) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay ku guuleysteen soo badbaadinta qaar ka mid ah dadkii ku jiray Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho oo maanta casir liiqii ay weerar culus ku qaadeen dabley ka tirsan Al-shabaab.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa lagu waramayaa in ay ka mid yihiin Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Idhacade, Jeneraal Maxamed Nuur Galaal iyo waliba milkiilaha hoteelka oo lagu magacaabo Xusseen Goley.

Dableyda gudaha u gashay ayaa marka laga taggo rasaasta waxaa ay sidoo kale adeegsanayaan walxaha qarxa oo dhowr jeer laga maqlay gudaha hoteelka oo la rumeysan yahay uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Khasaaraha ugu weyn ayaa loo maleynayaa in uu soo gaaray ilaaladii ku sugneyd albaabka hore ee hoteelka iyo dad ku jiray gaadiid xiligaa taagnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Tiro rasmi ah lama oga khasaaraha dhimashada iyo dhaawac hasse ahaatee waxaa goobta taggay gaadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka qaaday dad ay wax-yeelo soo gaartay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*