Latest News

Ciidammada AMISOM Oo Saldhig Loogu Samaynayo Meel Xuduudka Somaliland U Jirta 60KM

Hargeysa, August 6, 2020 (Haatuf) – Ciidammada
Nabad-ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la sheegay in Saldhig looga
samaynayo meel ka baxsan Soomaaliya oo ah gudaha dalka Itoobiya.

Sida Wargeyska baahiyaha xogaha qarsoon ee Indian Occean
uu sheegay Saldhigga Tababbarrada Ciidammada AMISOM ee xilligan ku yaalla
Magaalada Muqdisho ayaa loo rarrayaa Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka
Soomaalida Itoobiya.

War-sidaha Indian Occean oo Wargeyska Geeska Afrika soo
xigtay ayaa sheegay in Dawladda Maraykanku ay shirkad fadhigeedu yahay
Maraykanka oo Magaceedu yahay (PAE), Qandaraas ku siisay inay diyaariso
adeegyada aasaasiga ah ee Saldhigga Tababbarka ee AMISOM looga dhisayo
Magaalada Jigjiga, taasi oo ku taalla meel 60KM u jirta xuduudka Somaliland.

Qandaraaska Shirkadda (PAE) la siiyey ayaa ku kacaya
$13.6 million oo Lacagta Maraykanka ah.

Ciidammada AMISOM waxa Magaalada Muqdisho Xaruntooda Guud
ahayd illaa sannadkii 2007-dii, waxayna dagaal kula jireen dagaalamayaasha
Al-shabaab, iyagoo taageeraya Ciidammada Maxaliga ah ee Dawladda Federaalka
Soomaaliya.

Ciidammadan ka socda Qaaradda Afrika ee AMISOM ayaa sidoo
kale qayb ka ahaa Tababbarrada Ciidammada Soomaaliya.

Illaa hadda ma cadda, sababta loo qaatay Go’aanka
Saldhigga Ciidammada AMISOM ee Muqdisho loogu rarrayo Dalka Itoobiya, kaasi oo
taageero siinayey Hay’adaha Dawladaha Federaalka ee Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial