Latest News

Ciidammada Somaliland Oo Guulo Ka Gaadhay Dagaal Maanta Dhex Maray Ciidammada Puntland

Yubbe, 02-26-2020 (Haatuf) – Subaxdii hore ee Saaka waxa
dagaal deegaanka Kadhada ee Sanaag-bari uu Dagaal ku dhex maray Ciidammada
Somaliland ee halkaa ku sugan iyo kuwa Maamul-gobolleedka Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidammada Qaranka
Somaliland ayaa sheegay in dagaalkaa ay guulo ka soo hooyeen isla-markaana ay
Ciidammada Puntland ka furteen Hub, laakiin ma sheegin wax khasaare nafeed ah
oo soo kala gaadhay Ciidammada Puntland.

War-saxaafadeedka Ciidammada Somaliland ayaa u qornaa
sidan “Waxa jira inay Maamulka Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020
badhasaabka laasqoray ee Jamhuuriyadda Somaliland, isku dayeena inay dilaan,
hase ahatee illaahay ka badbaadiyay, waxay daandaasi  joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan
badhan iyo degaanada ku hareeraysan.

Saaka abaaro lixdii iyo badhkii (6:30 Am) subaximo, waxay
ciidamada Maamulka Puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo
18km u jira Yubbe, halkaana waxaa isku haleelay ilaaladda hore ee ciidanka
qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland
halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen
guulo, iyagoo ka qabsaday hub iyo gaadiid intaba.

Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland doonimaayo
dagaal, laakiin haddii laga dayn waayo daandaansiga joogtada ah wuxuu ka gudan
doonaa wajibaadkiisa cid kasta oo isku dayda inay daandaansato Jamhuuriyadda
Somaliland.”

 ALLAA MAHAD LEH

CIIDANKA QARANKA GUUL

Afhayeenka Ciidanka Qaranka JSL

Gashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan ( Cabdi Dheere)

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial