Latest News

# Ciidamo Cusub Oo Hoos Ahaan Looga Qorayo Gobolada Itoobiya Si Loogu Xoojiyo Dagaalka Dawladdu Kula Jirto TPLF

Adisababa,November 26,2020(Haatufonline)-Waxa dawlad goboleedyada dalka Itoobiya ka bilaabmay hawlgal hoos ahaan loo wado oo lagu qorayo ciidan cusub oo ay dawladda dhexe ugu talogashay inay ku xoojiso ciidamadeeda dagaalka kula jira ciidanka gobolka Tigray ee ku yaala waqooyiga Itoobiya iyadoo halkaas hore loo geeyey kumanaan ciidamada Liyo bilayska ah oo laga qaaday dawlad goboleedyada intii aanu dagaalku bilaabmin muddo haatan laga joogo 4 todobaad.

Qorshahan cusub ee lagu abaabulayo ciidan ka dagaalama gobolka Tigray ayaa sida la sheegay waxa dagmo kasta oo ka tirsan dawlad deegaanka Somaalida lagu soo rogay inuu keeno 80 qof oo dhalinyaro ah si loo qoro ciidanka la geynayo waqooyiga dalka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*