Latest News

Ciidanka Sudan Oo Kusii Siqaya Dhulbeereed 600,000 Heckter Ah Oo 25 Sano Ay Xoog Ku Haysteen Beeralay Amxaaro Hubaysan Ahi

Gobolka Qadaarif,Sudan,December 7,2020( Haatufonline)- Ciidanka dawladda Sudan ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey kusii siqayey deegaanka Alfashaaqa ee ku yaala xuduuda bari ee u dhaxaysa Sudan iyo Ethiopia halkaas oo ay kula wareegeen dhulbeereed nafaqo leh oo ay muddo 25 sanadood ah xoog ku haysteen beeralay Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda gobolka Amxaraada.

Deegaanka Alfashaaqa oo baxaad ahaan lagu qiyaaso 250 km oo isku wareeg ah oo 600,000 heckter oo ka mid ahi yihiin dhulbeereed waraab ah oo leh ciid aad u nafaqo badan ayaa waxay Soodaantu u mari waayeen beeralay hubaysan oo ciidamada Itoobiyana taageeraan.

Hadaba Sudan ayaa sida muuqata ka faaiidaysatay dagaalka gobolka Tigray ku dhex maraya isbahaysiga ciidamada gobolka Amxaarada iyo dawladda dhexe ee Itoobiya oo dhinac iyo ciidamada maamulka Tigreega oo dhinaca kale ah iyadoo Amxaaradii dhulka ka haysatay iyo ciidamadii dawladda ee taageeri jiray ay ku mashquulsanyihiin dagaalka qaadhaadh ee kasocda gobolka Tigray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*