Latest News

Ciidankii Eritrea Tababarka Ugu Maqnaa Oo La Filayo In Xamar La Keeno Todobaadkan.

Muqdisho,February 8,2021(Haatufonline)-Siday sheegeen ilo ku dhaw dhaw xukuumadda VillaSomalia waxa la filaya in maalmaha soo socda magaalada Xamar la keeno ciidan tiradiisu gaadhayso ugu yaraan 2000 kuwaasoo tababar ugu maqnaa dalka Eritrea.

Waxay aheyd dabayaaqadi 2019 markii Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu sadex kun oo dhalinyaro ah u diray dalka Eritrea si ay tababar ciidan ugu soo qaataan.Hasayeeshee qayb ka mid ah dhalinyaradaas ayaa markay tababarkii dgamaysteen loo qaaday gobolka Tigray ee dagaaladu ka socdeen iyadoo tiro lagu qiyaasay 1000 ka mid ah dhalinyaradaasi u soo gaadhay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidanka Eritrea laga soo daabulayo ayaa loo sii diyaariyey gaadiid gaashaaman iyo hub kale oo ay dawladda Turkigu dhawaan bixisay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*