Latest News

Ciyaartii Kubadda Cagta Ee Shalay Waxay Guushii Raacday Daad-Madheedh Iyo Kooxda Hawd Iyo Laacibkii Farasaaray Garsooraha Oo Lagu Xukumay Ganaax Lacageed Iyo Inay 5 Sano Ka Maqnaadaan Ciyaaraha.

Hatgeysa,November 14,2020(Haatufonline)- Gudida Anshaxa Ciyaaraha ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ayaa go’aamo ay ka soo saartay ciyaartii kubadda cagta ee shalay Hargeysa Stadium ku dhex martay Hawd iyo Daad-Madheedh waxay kooxda gobolka Hawd iyo laacibkoodii garsooraha farasaaray Cabdisamad Saleebaan (Laayax) ku xukuntay inay ka maqnaadaan ciyaaraha gobolada dalka Jamhuuriyadfa Somaliland muddo 5 sanadood ah iyo waliba inay bixiyaan ganax lacageed oo min 20 milyan ah midkiiba.

Waxa kale oo muddo 3 sanadood ah ciyaaraha laga mamnuucay tababarihii iyo tababare ku xigeenkii kooxda Hawd iyo qaar kale oo ka mid ah ciyaartowga kooxdaasii kadib markii lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen shaqaaqadii shalay ka dhacda garoonka Hargeysa Stadium.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*