Latest News

Codsi Ah In Dibu Eegis Lagu Sameeyo Sharcinimada Kootadi Keebalka Fiber Optic-ga Ina Awsiciid Oo Xukuumaddu U Gudbinayso Maxkamadda Distooriga Ah

Hargeysa,January 26,2020(Haatufonline)-Xukuumadda Somaliland ayaa Maxkamadda Distooriga ee dalka u gudbinaysa codsi ah inay dibu eegis ku samayso sharcinimada xeerkii kootada ku siiyey shirkadda Somcable ee uu leeyahay ganacsade Maxamed Aw Siciid inay kaligeed Somaliland ku yeelato adeegga keebalka Fiber Optic-ga muddo 25 sanadood.

Xukuumadda oo cuskanaysa qodobada distoorka Somaliland ee balanqaadaya in dhaqaalaha dalku ku salaysnaado suuqa xorta ah iyo tartan ayaa doonaysa in la laalo xeerkaasi si loo furfuro ganacsiga isgaadhsiinta oo cidkastoo danaynaysaa uga qaybgali karto.

Xeerka igaadhsiisnta Somaliland oo qodob ka mid ahi Shirkadda Somcable u qoondeeyey inay kooto ku haysato Fiber Optic-ga ayaa marki la ansixinayey sanadki 2011 ay ku kala qaybsameen shirkadaha isgaadhsiintu iyadoo ay Somcable taageertay halka ay Telesom kasoo horjeedsatay isla markaana waxa ku kala jabay Wakiilada kuwaasoo la kala saftay labadaas shirkadood.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya heshiis dhawaan dhexmaray xukuumadda iyo shikadaha isgaadhsiinta iyadoo mulkiilaha Somcable ogolaaday inuu 75% xadhiga Fiber Optic-ga ka iibiiyo shirkaadaha kale ee isgaadhsiinta iyo ganacsato kale isla markaana xadhig badda ah oo laga soo jiiday Cumaan xiligi maamulki madaxweyne Siilaanyo lagu soo xidho Berbera si labada xadhigba loo wada yeesho.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*