Latest News

Dadweyne Ku Nool Shabeellada Hoose Oo Iska Dhex Abaabulay Maleeshiya Ay Kula Dagaalamaan Alshabaab Kadib Markii Ay Gurmad Ka Waayeen Dawladda Dhexe

Walanweyn,February 23,2021(Haatufonline)-Dadweynaha ku nool deegaanka Yaaq-beriweyne ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa iska dhex abaabulay ciidan beeleed ay kula dagaalamaan argagixisada Alshabaab ka dib markii ay cadaadis farabadan oo nolashoodii cidhiidhi galiyey ay kala kulmeen dagaalyahanada Alshabaab isla markaana wax gurmad ah ka waayeen dawladda Federaalka ee Somalia.

Hadaba dagaalameyaasha Alshabaab oo ka cadhaysan maleeshiyada ay dadweynuhu iska dhex abaabuleen ayaa todobaadkan dadkii ku noolaa deegaankaasi ku amray inay ka guuraan waxaanay dab qabadsiiyeen guryihii ku yiilay tuulooyinka ay ka midyihiin Yaaq-beriweyne ,Leego iyo Balad Aamin taasoo sababtay barakac balaadhan.

Dhinaca kale dawladda dhexe ayaa 2 todobaad ka hor ciidamadeedi hawlkarka ahaa isugu geysay magaalada Muqdisho halkaas oo uu khilaaf siyaasadeed oo cakirani ka jiray mudooyinkan danbe.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*