Latest News

Dagaal Ka DhexQarxay Ethiopia : Abiy Axmed Oo Ciidamada Ethiopia Amar Ku Siiyey Inay Weeraraan Gobolka Tigray Kadib Markii Laga Qabsaday Taliskii Qaybta Waqooyi

Addisababa,November 4,2020(Haatufonline)-Dagaal weyn ayaa ka dhex qarxay dalka Ethiopia xalay ka dib markii uu raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed amar ku siiyey ciidamada dawladda dhexe inay weerar ku qaadaan bartilmaameedyo ku yaala gobolka Tigray ee khilaaf xoogani u dhaxeeyey maamulkooda iyo xukuumadda u hogaamiyo Abiy Axmed.

War uu soo saaray xalay saqdi dhexe ayaa Abiy Axmed waxa uu ku sheegay in ciidanka Tigreegu ay weerar ku qaadeen saldhigii taliskii qaybta ciidamada waqooyi laga xukumayey ee ku yaalay magaalafa Mekele ee caasimadda u ah gobolka Tigray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*