Latest News

“Dalalka Aduunku Waa Inay Ku Dhawaaqaan Xaalad Cimilo Oo Degdeg Ah” Antonio Guterres

London, December 12, 2020 (Haatufonline) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hoggaamiyeyaasha adduunka ugu baaqay inay dalalkooda kaga dhawaaqaan xaalad cimilo oo degdeg ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sidaasi ka sheegay khudbadii furitaanka shirkii cimilada ee Sabtidii furmay. Sannad-guuradii shanaad ee Heshiiskii Paris ee 2015, in ka badan 70 hoggaamiyeyaasha adduunka ah ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan kulanka hal-maalin ee hal-abuurka ah iyadoo dalalka loogu baaqayo inay tallaabooyin adag oo ku saabsan heerka cimilada sii kululaanaysa ee adduunka inay qaadaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*