Latest News

Dalka Djibouti Oo La Gaadhsiiyey Shixnadii Ugu Horaysay Ee Talaalka COVID19

Djibouti, March 7, 2021 (Haatufonline) – Dalka Djibouti ayaa la gaadhsiiyay shixnadii ugu horaysay ee tallaalka cudurka Coronavirus oo saamayn ba’an ku haya guud ahaan caalamka.

Dalkan Djibouti ayaa noqonaya dalkii ugu horreeyay ee hela tallaalka marka la eego dalalka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa.

Maxamed Warsame Diriye, oo ah Wasiirka Caafimaadka Djibouti ayaa BBC-da u sheegay in talaalkan qaybtiisa hore ay ka faa’iidaysan doonaan dadka ka weyn 50 sano, kuwa qaba xanuunada halista ah, iyo shaqaalaha caafimaadka.

Tallaalkan ayaa ka yimid COVAX oo ah mashruuc ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Isbahaysiga Tallaalka GAVI iyo hay’add kale oo lagu magacaabo Isbahaysiga Diyaargarowga Cudurrrada Faafa.

Dr. Mondher Letaief, oo ah Wakiilka WHO ee dalka Jabuuti, ayaa sheegay in helida tallaalku uu muujinayo waji cusub oo ah dagaalka lagula jiro COVID-19 ee dalka Jabuuti.

Inta badan dadka la tallaalayo, ayaa si aad ah waxtar uu ugu yeelan doonaa talaalku, Waxaanay noqon doontaa inay hoos u dhigto faafida fayraska”.

Dalka Djibouti ayaa rajeyneysaa inay ku talaasho 715,000 qof qorshaheeda talaalkan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*