Latest News

Dalka Qatar Oo Muqdisho Ka Qaaday Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qarixii Ex-Koontarool Afgooye Ka Dhacay

Muqdisho, (Haatuf) – Dowladda Qatar ayaa diyaarad iyo dhaqaatiir usoo dirtay Dowladda Soomaaliya, si dalkaas loogu qaado dhaawacyada aan dalka waxba looga qaban karin ee ku dhaawacmay Qarixii Muqdisho.

Guddiga gurmadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in 22 dhaawac ah loo qaadidoono dalka Qatar, kuwaas oo isla maanta ay qaadayso diyaarada ay soo dirtay dowladda Qatar.

Waa dowladdii labaad oo usoo gurmata Soomaaliya, Dowladda turkiga ayaa maalintii shalay dhowr diyaaradood oo siday dhaqaatiir iyo Daawo geeysay magaalada Muqdisho, waxayna sidoo kale qaaday dhaawacyadii ugu darnaa ee xaaladooda laga deyrinayay.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageeradeeda walaalnimo ee ay la garab istaagan tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dhibbanaha ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*