Danial Arab Moi, Madaxweynihii Hore Ee Kenya Oo Geeriyooday

Nairobi, (Haatuf) – Madaxweynihii hore ee dalka Kenya
Danial Arab Moi ayaa geeriyooday sida ay xaqiijisay dowladda Kenya.
Madaxweynaha geeriyooday ayaa bilihii ugu danbeeyayba la
sheegay in uu xanuunsanayey oo uu ku jiray Cisbitaalka weyn oo ku yaalla
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo
lagu daweeynaayey ugu dambeena uu xalay ku geeriyoodey.
Danial Arab Moi ayay da’diisu ahayd 95 sano jir, isaga oo
dalkaasi xukumayey 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi
ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa,
waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la
tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya.
Leave a comment