Latest News

Dareenada Ku Gedaaman Safar Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Ku Yimid Badhan

Badhan, Jan-27, 2020 (Haatuf) – Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka
maamul goboleedka Puntland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta gaadhay
magalaada Badhan ee xarunta Gobolka Sanaag.

Weftiga Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abwaan
Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa waxa kamid guddida dib u habaynta ciidamada oo
kala ah Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Cabdisamad
Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Difaaca sareeye gaas Yaasiin Cumar Dheere.

Gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa la sheegay in
ujeedada socdaalkiisu ay salka ku hayso u kuurgalida xaaladda deegaamada Bariga
Sanaag oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaanu sidoo kale la filayaa inuu
kulamo la qaato waxgaradka deegaanka Badhan.

Maaha socdaalkii ugu horeeyey ee gudoomiyaha Baarlamaanka
Puntand uu ku yimaado bariga gobolka Sanaag tan iyo intii loo doortay xilkaasi
oo mansabkaasi looga qaaday gudoomiye Dhoobo oo ay isku deegaan ahaayeen sanad
ka hor.

Waxaana socdaalkii kan ka horeeyey ee gudoomiyuhu
ku yimid gobolkaasi waxa ka dhashay shaqaaqo ay ku dhaawacmeen in ka badan
saddex qof oo arday u badan

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial