Latest News

Dawlad Doonaysay Inay Xafiis Ka Furato Hargeysa Oo Weyday Meel Ay Lacag Usoo Mariso Shaqaaleheeda Kadib Markay Cadaatay In Dahabshiil Iyo Salaama Aanay Xidhiidh Rasmiya La Laheyn Bankiyo Caalami Ah

Hargeysa February 29,2020(Haatufonline)-Dawlad damacsaneyd inay xafiis kafurato caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa soo waajahday carqalad ku lug leh Somaliland oo aanay ka jirin bankiyo xidhiidhyo la leh bankiyada caalamka oo lacagta loo soo marin karo shaqaalaha u fadhiyi doona Hargeysa.

Masuuliin ka tirsan dawladdaasi oo Hargeysa soo gaadhay ayaa markii hore loo sheegay inay lacagta soo marin karaan Dahabshiil Bank ama Salaama Bank oo Hargeysa ka furan.Hasayeeshee lacag yar oo tijaabo ahaan lagu soo hagaajiyey ayaan ilaa hadda soo gaadhin waxaana caddaatay in Dahabshil iyo Salaama midkoodna aanu baananka caalamiga ah la laheyn xiidhiidhyo macaamil (correspondent banks) oo ay lacago iskugu diri karaan( banking remittances).Sida la ogsoonyahay Salaama iyo Dahabshil ayaa had iyo jeer is-hortaaga dadaalkasta oo lagu doonayo in bankiyo caalami ahi ay dalka soo dagaan waxaanay hawshaasi u adeegsadaan lacag iyo wadaado ganacsato ah oo ay iyagu maalgliyaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*