Latest News

Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Lagu Qaybiyey Diyaarinta 5000 Askari Oo Ka Qaybgala Dagaalka U Dhaxeeya Dawladda Dhexe Iyo Gobolka Tigray,Dhalinyaro U Qaxday Jubaland Iyo Saraakiil Iyo Askar Tigray Ah Oo Laga Soo Dhexsaaray Ciidamada Militarga Iyo Kuwa Bilayska Oo Guryahooda Ku Xidhan Adisababa

Adisababa,November 5,2020(Haatufonline)-Abaabulka ciidan ee ay wado dawlada dhexe ee Itoobya ee ku waajahan dagaalka gobolka Tigray ayaa waxa Gobolka Somaalidu degto ee dalkaasi lagu qaybiyey diyaarinta ciidan 5000 ah oo loo qaado waqooyiga dalka ee la filayo inay ka dhawaan ka dhawaan dagaalo oculus oo dhexmara ciidamada dawladda dhexe iyo ciidanka gobolka Tigray .Hadaba waxa la sheegaya in qaar ka mid ah dhalinyayarada ku nool dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya ay soo gaadhayaan goboĺka Jubaland ee Somalia iyagoo ka soo cararaya in la raafo si loogu darro ciidanka loo qaadi doono dhinaca waqooyiga dalka.

Dhinaca kale water laga soo xigtay baraha bulshada Itoobiya ayaa waxa lagu sheegay in saraakiil iyo askar tiro badan oo Tigray ah laga soo dhexsaaray ciidamada militariga iyo bilayska oo ay ku xidhanyihiin guryahooda.

Dhinaca kale ku xigeenka Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Itoobiya Isla markaana ah madaxa hawlgalinta Burhanu Jula oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ciidanka qaranku aanu marnaba ku xisaabtamin inay soo weeraraan kiwi uu ilaalinayey oo salina ay weerarkooda dagaal kusoo beegan xiligii dalga beeraha la Goodman ee uu ciidanka ku mashquulsanaa inuu beeralayda ka caawiyo goynta dalaga iyo la dagaalanka ayaa ku qabsaday beerahoodi.

General Burhanu oo hadalkiisii sii waxa waxa uu yidhi “Si aanu hadaba Canada gacanta ugu rhino waxaanu hawlgalinay cududeenii ciidan oo hada San kusoo daabulnay shaman fadhiisimihii dalka gudahiisa waxaan hada ku sii jeednaa Shankar waqooyi si aanu shacabkeena u badbaadino”

Burhanu Jule waxa uu balanqaaday inay burburin donaan ciidamada ay isku soo horjeedaan iyagoo meelba gaadhin dagaalkuna ku fidi doonin dalka intiisa kale bale ku dhamaan doono halkii u ka bilowday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*