Latest News

Dawladda Ethiopia Oo Ka Noqotay Go’aan Hore Ooy Ku Diidaneyd In Ganacsatada Reer Somaliland Lacagta Birka Ah Ee Ay Haysteen Baananka Wajaale Kaga Badalan Karaan Birka Cusub Ee Dhawaan La Soo Daabacay.

Wajaale October 9,2020(Haatufonline)-Dawladda Ethiopia ayaa ka noqotay go’aan hore oo ay ku diidaneyd in ganacsatada reer Somaliland ee deggan Wajaale ay lacagta Birka Itoobiya ee ay haysteen kaga baddalan karaan banaanka ka furan Wajaale dhinaca Itoobiyaanka Birka cusub ee ay dawaldda Ethiopia dhawaan soo daabacday.

Dawladda Ethiopia ayaa waxay soo daabacday noodhadh cusub oo isugu jira tobanka,kontonka iyo boqolka bir oo muddo 3 bilood gudahood ah lagu badalanayo kuwii hore.Waxa kale oo lacagta cusub ka mid ah noodh 200 Bir ah oon hore u jiri jirin.

Hadaba Itoobiyaanka ayaa soo saaray amar ah in wax ka badan lacag $500 wax u dhigma oo Bir ah aan lagala soo talaabi karin dhinaca Somaliland hadii ay dhacdana ay dawladda Itoobiya la wareegi doonto.taasoo carqalad ku noqotay ganacsatada Somaliland oo lacago farabadan oo Bir ah bakhaarada ku haystay iyadoo ay Wajaale ula talaabi kari waayeen .Waxayse mushkiladaasi xalilmatay ka dib marki uu wafdi Itoobiyaan ah oo isugu jira saraakiil rayid iyo kuwa ciidanba lehi ay booqasho ku yimaadeen Somaliland ee laga wada hadlay xidhiidhka ganacsi iyo amni ee u dhaxeeya labada dal .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*