Latest News

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Dayactir Ka Bilawday Wadooyinka Suuqa Dhexmara

Hargeysa, July 13, 2020 (Haatuf) – Dawladda Hoose ee Hargeysa
ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn ugu hawlan dayactirka Wadooyinka dhexmara
farasmagaalaha caasimada Hargeysa, kuwaas oo si weyn u burburay, isla markaana
aan wax dayactir ah lagu samayn mudooyinkii u dambeeyey ee Cabdiraxmaan
Soltelco uu Maayarka Hargeysa ahaa.

Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa mudooyinkii u dambeeyey
dhaliilo xoogan oo muuqaalo laga soo qaaday wadooyinkaasi oo dadka lagula
wadaagayo baraha bulshada kala kulmaysay wax ka qabasho la’aanta wadooyinka
dhexmara Farasmagaalaha Suuqa Hoose ee Caasimada Hargeysa.

Wadooyinkaas ayay dhibaato xoogan kala kulmaan gaadiidka
iyo dadweynaha ku ganacsada hareeraha Jidadka.

Dadweynaha ku dhaqan caasimada ayaa iyagu soo dhaweeyey
isla markaana weyn ugu riyaaqay wax ka qabashada iyo dayactirka jidadka Suuqa
caasimada Hargeysa ugu weyn dhexmara, waxaana la fili karaa in talaabadani xiligan
masuuliyiinta dawladda Hoose ay waxooga ka dajiso culayska dhaliilaha dul
hogganayey ee ku gedaamnaa mudada dheer ee ay joogeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial