Latest News

Dawladda Soomaaliya Oo Diiday Warbixin Ay Soo Saartay Guddi Loo Saaray Khilaafka Iyaga Iyo Kenya

Muqdisho, January 27, 2021 (Haatufonline) – Dowladda Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay warbixin ay soo saareen guddida xaqiiqo raadinta ee loo saaray khilaafkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya.

Dawlada Sommalia waxay sheegtay in warbixnta guddidaasi ay xaqiiqada ka fog tahay, isla markaana aanay filayn warbixinta noocaas ah ee ka soo baxday urur goboleedka IGAD.

Guddigii loo xilsaaray xaqiiqo raadinta oo ka socday dalka Jabbuuti ayaa sheegay in Kenya aanay wax faragelin ah ku samaynin Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa sheegay in aysan dowladda Jabuuti ka filayn in ay la safato Kenya. “Waxa kasoo baxay guddiga waxay nagu noqotay fajac iyo amakaag,” ayuu yiri Cismaan Dubbe.
Wasiirka ayaa guddiga ku eedeeyay in diideen in ay Baladxaawo tagaan oo ay xaqiiq raadin ka sameeyaan, isagoo sheegay in ay soo dhaafi waayeen Mandheera ayna qaateen xogta ay Kenya u sheegtay.
Cismaan Dubbe ayaa sheegay guddiga warabixintan soo saaray in ay dhaawacayaan walaalnimada iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, wuxuuna sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka dalbanayso Jabuuti  in ay raali galin ka bixiso warbixinta ay soo saareen guddigan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*