Latest News

Dhaqaale Xumo Durtaba Soo Waajahday Itoobiya Iyo Abiy Axmed Oo Maciinsaday In Safaaraduhu Qaadhaan Lagu Taakulaynayo Hawlaha Dagaalka Kasoo Ururiyaan Qurbejoogga

London,November 17,2020(Haatufonline)-Dawladda Itoobiya ayaa dadka Itoobiyaanka ah ee qurbaha ku nool waydiisatay qaadhaan lagu taakulaynayo hawlaha dagaalka labada todobaad socday ee uu raiisalwasaare Abiy Axmed kula jiro ciidamada gobolka Tigray.

Talaabadan ayaa waxa loo fahmay in dawladda Itoobiya uu durtaba soo waajahay culays dhaqaale oo kasoo kordhay kharashka baaxadda weyn ee ku baxaya dagaalka balaadhan ee ay ku qaaday ciidamada Tigrayga.Waraaqo ay safaaradaha dibadda ee Itoobiya u direen muwaadiniintooda qurbaha ku nool ayaa waxa ku xusan habka qaadhaanka loo bixinayo iyo xisaabaha lagu hagaajinayo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*