Latest News

Dibadbaxyo Gilgilay Dalka Djibouti Iyo DowladdaOo Ka Hadashay

Djibouti, June 5, 2020 (Haatuf) – Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Shiikh oo la hadlay Golaha raadiyaha iyo television-ka Jabuuti ee RTD ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay aad ugasoo horjeeddo dibad-baxyo xooggan oo shalay ka dhacay caasimadda dalkaas oo looga soo horjeeday hab-dhaqanka lagula kacay askari duuliye laba xidigle ah oo dowladda ay ku xirtay xabsi ku yaalla waddankaas.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan dowladda Jabuuti u dulqaadan doonin,  dibad-baxyo ka dhan ah sharciga sida uu hadalka u dhigay oo lagu wax-yeelleynayo hantida Umadda sida uu hadalka dhigay.

“Wixii shalay dhacay ma aheyn  wax wanaagsan,  mana aqbali kareyno in hantida shacabka la baabi’iyo ” ayuu wasiir Muumin Axmed Sheekh u sheegay Warbaahinta dowladda Jabuuti.

“Waxaan leeyahay dadka carruurta iyo haweenka soo saarayo garta halka la idinku wado, annaga waxaan mas’uul ka nahay ammaanka dadka, suura-gal maaha inaan eeganno waxaan dhacaya,  wixii shalay dhacay intaa ha innooga ekaato,  waa dhagey farey ” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti.

Dalka Jabuuti waxaa shalay ka dhacay dibad-bax xooggan oo ka dhan dowladda,  laguna codsanayay in xorriyaddiisa loosoo celiyo laba xidigle Fu’aad Yuusuf Cali oo ah maxbuus Iska soo duubay muuqaal isagoo ku xiran suuli,  jirkiisana uu ka muuqanayay gabood fal adag oo lagu sameeyay.

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in dowladdu ay shalay xabsiga u taxaabtay dhowr qof oo lagu eedeeyay in dibad-baxyada ay soo aabuleen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*